Wararka Dibadda

Vedio: Abeey oo Sheegay Iney Muqdisho Furanayaan Dadkooduna Ka Shaqeysanayaan.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa (Warkii hore war soo dhaaf) haddii niman siyaasiyiin isku sheegaya oo Xabashida ku daaban ay maalmahan marin habaabinayeen hadalkii ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee ahaa in dalkiisa iyo Soomaaliya hal dowlad noqonayaan, ayaa waxaa soo baxay war sida qorraxda u cad oo aan sacabada lagu qarin karin, kana tarjumaya qorshaha la doonayo in Soomaaliya lagu qabsado.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa kulan uu 20-06-2018, la qaatay qowmiyadda Uraaga, ka sheegay inuu Muqdisho furanayo, si ay dadkiisa ugu noqoto magaalo ay nolol maalmeedkooda ka dhacsadaan oo ay ka shaqeystaan.

Hadalkan ayaa waxa uu yimid kadib markii mid kamid ah dhallinyarada wax barata ee qowmiyaddaas uu weydiiyay su’aal uu ku dalbanayay in loo madax bannaaneeyo aayaha gobolkooda, maadaama ay Itoobiya tahay Federal. Laakin ra’iisylwasaare Abeey, ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan:

“Ka gudub halkan soke ee aad ku fakareysid annagu waxaan dooneynaa markaan Muqdisho furno in aan Sabtida iyo Axadda intaad kasoo shaqeysaan aad kasoo noqotaan, yaa ka shaqeynaya marka aanu muqdisho murano oo aanu heshiisyada la galno, annagu halkaas baanu ka fakareynaa adinkuna meel soke”

Haddaba waxay ila tahay inuusan warkan u baahnayn inuu fasiro Daahir Maxamuud Geelle oo ah wasiirka warfaafinta ee DF, kaasoo waji gabax kala kulmay markii ay saxafaddu wax ka weydiisay hadalkii kale ee ra’iisulwasaaraha Itoobiya ee ahaa in Soomaaliya, lagu biirinayo dalka Itoobiya.

Daahir, wuu awoodi waayay inuu xataa yiraahdo warkaas waa been, sidaa darteed ayuu ku meer meereystay meelo kale iyo hadallo khiyaali ah oo ay dadku ku fahmeen in maamulka DF-ka ay ka baqayaan Nidaamka Itoobiya.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*