Wararka Gudaha

Shan Qof oo Isku Qoys Ah oo Lagu Dilay Degmada Warsheekh.

Wararka naga soo gaaraya degmada Warsheekh ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in dabley hubaysani ay mar qura dileen shan qof oo isku qoys ahaa, iyadoo arrintan ay walwal ku beertay bulshada magaalada iyo tuulooyinka ku dhow.

Weerarkan oo ka dhacay degaanka Boos Dacaar, oo ku yaalla duleedka Warsheekh, ayaa dadka ehelka ah lala beegsaday xilli ay saarnaayeen gaari caasi ah.

Dableyda ayaa si daran rasaas ugu shannaqay gaariga taasoo sababtay iney geeriyoodaan shan qof oo isku qoys ah, kuwaasoo afar kamid ah ay ahaayeen dad ilmo adeer ah islamarkaana rag iyo dumarba isugu jira.

Sidoo kale waxay goob joogayaashu ku warameen in uu dhaawacmay darawalkii gaariga kaxaynayay, waxaana arrintan lala xiriiriyay aanooyin qabiil.

Degmada Warsheekh, ayaa waxaa ka taliya ciidamada shisheeye, halkaasoo ay ka jiraan hey’ado dadka u qoqobay qabiil qabiil. Degaanada ku dhow dhulkaasi xeebta ah ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kama jiraan dhacdooyinka noocan ah, qabaa’ilkuna waa kuwa walaalo ah oo is xaq dhowra, maadaama ay meesha ka jiraan maxkamado islaami ah.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*