Wararka Gudaha

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qarax Ka Dhacay Duleedka Balcad.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/dhexe ee duleedka Muqdisho.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax miino lagu gubay gaari Cabdi bile ah oo uu lasocday sarkaal katirsan ciidanka Melleteriga Dowladda Federaalka iyo ciidamo ilaal u ahaa.

Qaraxa ayaa Burburiyay gaari Tikinika ah waxaana ku dhintay sedax askari oo ilaala u ahaa sarkaal isna dhaawacmay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cali Xuubeey.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu burburiyay gaariga Tiknikada ah, goob joogayaal ku sugan deegaanka Gololeey ayaa sheegay in ciidamo ka tagay Balcad ay gaariga burburay soo jiideen iyagoona goobta ka daabulay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxa.

 Wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa qarka usaaran in ay ka caagaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta DF-ka sababa laxiriira weerarada Al Shabaab oo joogta ka noqday.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*