Maxaa Cusub

In Ka Badan 10 Askari oo Amisom Looga Dilay Weerar Ka Dhacay Sh/hoose.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta galinkii dmabe weerar dhabba gal ah u dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Amisom xilli ay marayeen degaanka Ceel-wareegow oo ku dhow magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose.

Askartan ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu weeraray qarax kaasoo si gaar ah loola beegsaday mid kamid ah gaadiidkii ay wateen sida aan kasoo xiganay dad lagu kalsoon yahay, waxaana xigay dagaal toos ah oo sababay in gaari kale laga gubo.

Intaa waxa dheer in sidoo kale qarax lala beegsaday ciidamo lugeynayay oo kolonyadaas ka tirsan, waxaana jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo aad u badan.

Inta la og yahay dhimashadu waxay kor u dhaaftay 10, muddo kadib dagaalkana waxaa ciidamada Amisom u timid dayuurad nooca qumaatiga u kaca ah taasoo Shalaambood ka qaaday meydadka iyo askartii wax yeeladdu gaartay.

 

 

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*