Wararka Gudaha

Maryama Qaasim oo Iska Casishay Wasaaraddii Ay Madaxda Ka Ahayd.

Drs Maryama Qaasim ayaa goor dhow iska jagadii ay ka heysay xukuumadda ra’iisulwasaare Kheyrre oo ahayd wasaaradda gargaarka iyo musiibooyinka Qaranka.

Inkastoo aaney wali Maryan qaban shir jaraa’id ayaa waxay haddana arrintan u xaqiijisay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

Waxa ay ka gaabsatay iney faahfaahiso ujeedada ay isku casishay, laakin wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro isfaham waa iyada iyo ra’iisulwasaaraha ah.

Waa wasiirkii labaad ee iska casila xukuumadda ra’iisulwasaare Kheyrre, waxaa horey sidan oo kale isku casilay wasiirkii gaashaandhigga iyadoo wasiirkii hawlaha guud lagu dhex toogtay madaxtooyada.

Xukuumadda ra’iisulwasaare Kheyrre ayaa waxay shaqadeeda kusoo koobtay u ol’oleynta dagaal aaney awood u hayn, balse ay dooneyso iney isaga mashquuliso dhinacyada mucaaradka ku ah oo ay ugu horreeyaan xildhibaano badna oo Baarlamaanka ka tirsan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*