Wararka Dibadda

Kudhawaad 10 Askari oo Maraykan ah Oo Lagu Dilay Afqaanistaan.

Dagaal xoogan oo aad u culus, waxna la isku reeban ayaa dhexmaray ciidamo katirsan Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan iyo kuwa Maraykanka ee duulaanka ku jooga wadankaas.

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamo katirsan kuwa Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee malleeshiyaadka Xukuumadda Kaabul waxay duulaan kusoo qaadeen deegaan katirsan wilaayada Haraat.

Dagaalka oo aad u cuslaa, waxay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada adeegsadeen xeelad milliteri oo muhiim ah, iyadoona dabin miinooyin ah ay ku dheceen ciidamada Maraykanka.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Ziirkawah, wuxuuna hoos yimaadaa degmada Shindanad ee gobolka Haraat.

Ugu yaraan 6 askari oo Ameerikaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka dhexmaray Mujaahidiinta iyo kuwa Ameerikaanka ah, halka 7 kale oo katirsan kuwa xukuumadda Kaabul ay waxyeello dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay soo gaartay.

Waxaa jira gawaari gaashaman oo ay lahaayeen ciidamada Maraykanka, kuwaas oo ay mujaahidiintu gubeen saaka.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa dagaalka kadib waxay deegaanka uu dagaalku ka dhacay ka geysteen duqeymo cadowtooyo oo aan loo meel dayin, waxaana duqeymahaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah.

Afhayeenka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan Dabiixullaahil Mujaahid oo war kasoo saaray dagaalkan ayaa shaaciyay in dhanka Mujaahidiinta ay ka shahiideen labo mujaahid.

Dhanka kale qarax xoogan oo lala eegtay gaari gaashaman oo ay la socdeen ciidamo Maraykan ah ku dhintay tiro aad u badan.

Qaraxa oo ahaa noocyada dhulka lagu aaso ayaa lagu qarxiyay gaari gaashaman oo marayay degmada Bagram ee wilaayada Barawaan.

Ugu yaraan 5 askari ayaa ku quur baxay qaraxan oo dhacay maanta oo Axad ah.

Dhowrkii saacadood ee lasoo dhaafay gudaheed ayaa tirada ciidamada Maraykanka ee lagu dilay Afqaanistaan waxay gaarayaan 8 askari, taas oo muujineysa halka uu la egyahay dhiig baxa ku socoda dowladda Maraykanka.

Wadanka Afqaanistaan waxaa weli ka socoda howlgalka Al-khandaq, waxaana ciidamada Maraykanka ay wajahayaan dagaallo iyo howlgallo waaweyn oo qorsheysan, kuwaas oo ay soo qaadayaan ciidamada Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*