Wararka Gudaha

Faah Faahin: Qaraxyo Ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo is xigixgay iyo weeraro ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula beegsaday gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu yaraan gaari Taaw ah ayaa gubtay kadib markii laba qarax lala helay kolonyo katirsan ciidamada Midowga Afrika oo ka amba baxay saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Carbiska duleedka Muqdisho kunasii jeeday dhanka magaalada Jowhar.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in laba qarax oo is xigixgay lagu weeraray kolonyada ciidanka ah kadibna waxaa xigay weerar fool ka fool ah oo ay kala kulmeen xoogag hubeysan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegtay in qaraxyo iyo weerar toos ah ay labeegsatay ciidamada shisheeye islamarkaana gaari Gaashaaman ay ka gubeen, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyada kadib ay ciidamada AMISOM rasaas ku fureen wadada hareeraheeda waxaana jirta waxyeello dad shacab ah soo gaartay.

 Xaafadda Suuqa Xoolaha ee waqooyiga magaalada Muqdisho oo ah halka weerarku ka dhacay ayaa hadda deggan kadib markii uu hakad ku yimid isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*