Wararka Gudaha

Al Shabaab Oo iska Fogeysay Dil Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Boosaaso lagu dilay Cabdullaahi Cali Cumar oo ahaa Maareeye ku xigeenkii shirkadda Isgaarsiinta Goolis oo ka howlgasha gobollada dhaca waqooyi Bari Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Masjidka Rowda qofka ladilayna wuxuu kamid ahaa ganacsatada ugu caansan gobolka Bari oo aan wax lug ah ku laheyn siyaasadda maamulka isku magacaabay ‘Puntland’.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in aysan wax lug ah ku laheyn falkaas dilka ay ee loo geystay ganacsade Cabdullaahi Cali Cumar Maareeye ku xigeenkii Goolis.

Sarkaal katirsan ciidamada Al Shabaab ee deegaannada Buuraha Gooliska ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in ciidamadoodu aysan geysan falkaasi dilka ah ee lagula kacay ganacsadaha muslimka ah¬†“Waan Maqalnay Falka dilka ah ee xalay ka dhacay Boosaaso ee loo geystay mid kamid ah ganacsatada gobolka , mana jiro wax lug ah oo ciidamadeenu ku leeyihiin dilkaas” ayuu yiri sarkaal lahadlay Saxaafadda maxalliga ah.

 Shacabka magaalada Boosaaso ayaa maanta hadal haya falka dilka ah ee lagula kacay Maareeye ku xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Goolis.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*