Wararka Gudaha

Tobanaan Ruux oo ku dhintay duqeyn ka dhacday wuqooyiga wadanka Yaman.

Diyaaradaha Isbaheysiga uu hogaamiyo maamulka Aala-Sucuud ayaa duqeyn ka geystay wuqooyiga dalka Yaman, taas oo gallaafatay nolosha tobanaan ruux oo shacab ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Sacdah ee wuqooyiga dalka Yaman, waxaana lala beegsaday gaari Bii’el ah oo siday caruur farabadan.

Wakaaladaha wararka waxay sheegayaan in tirada dhimashada horudhac ah ee la helayo ay gaareyso 20 ruux, islamarkaana ay suuragal tahay in intaas ay kasii badato.

Waxaa jira dhaawacyo badan oo qaarkood halis ah, kuwaas oo xaaladooda caafimadaad laga deyrinayo.

Weli majiro wax war ah oo kasoo baxay Isbaheysiga carbeed ee duqeymaha ka wada wadanka Yaman, waxaana marar badan dhacday in diyaaradaha Isbaheysiga ay si bareer ah u duqeeyeen dad shacab, kuwaas oo ay ku dhinteen boqollaal ruux.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*