Wararka Gudaha

Dagaal Caawa Ka Socda Baraawe.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigga ay ciidamada Amisom ku leeyihiin illinka laga galo magaalada Baraawe ee loo yaqaano Ambareeso.

Dagaalkan oo la isku adeegsanayo ayaa kusoo aday xilli uu maanta ra’iisulwasaare Kheyrre booqday magaalada islamarkaana uu garoonka diyaaradaha macmalka ah kula kulmay duqeyn ka imanaysay Xarakada Al-Shabaab.

Dagaalka caawa socda ayaa waxay goob joogayaal inoo sheegeen inuu yahay mid aad u culus iyadoo magaalada gudaheeda iyo daafaheedaba laga maqlayo hugunka madaafiicda la isweydaarsanayo iyo dhawaqa rasaasta.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*