Wararka Gudaha

In Ka Badan 10 Qof oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Tanzaaniya.

Wararka ka imanaya dalka Tanzaaniya ayaa sheegaya in ugu yraan 11 ruux ay dhinteen kaddib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen oo ay lahayd sharikadda Dalxiiska ee Coastal Aviation.

War qoraal ah oo lagu daabacay Website-ka Sharikadda dalxiiska ee Coastal ayaa lagu sheegay in 10 qod oo rakaab ah iyo duuliyihii dayuuradda ay ku dhinteen shilka ka dhacay wuqooyiga dalka Tanzania.

Julian Edmun, oo ah agaasimaha guud ee shirkadda Coastal Aviation ayaa sheegay in ay ka walwaleen dhacdadan ka dhacday degaanka Empakaai ee wuqooyiga Dalkaas.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay in magacyada rakaabka iyo duuliyahaba ay dib uga daabici doonaan Mareegtooda si ehelka ay halkaas uga ogaadaan.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*