Wararka Gudaha

Sawirro: Ufurow Iyo Aaranka Ka Jira.

Beeraleyda wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool, ayaa sannadkan wax u tacbanaya si ka wanaagsan sannadihii u dambeeyay.

Dhul beereedka degmada Ufurow, oo aan booqasho ku tagnay ayaa u muuqda mid barwaaqo ah iyadoo waxa ugu badan ee la beertay ay tahay Masagada (Haruurka)

In badan oo kamid ah beeraleyda, waxay inoo sheegeen inuu Allaah, ku galladay Roob, badan islamarkaana ay si wanaagsan uga faa’iideysteen.

Marka Masagada laga yimaado waxa kale oo la beertay Galleyda, Digirta iyo Sisinta. Beer qadatada ayaa sheegay iney ku naaloonayaan amni iyo kala dambeyn maadaama ay ku hoos nool yihiin maamul islaamiga ah.

Sidoo kale waxaan bil ka hor booqanay Dhul beereedka Xabaal Barbaare, kaasoo isna barwaaqo ahaa.

Halkan Ka Eeg Sawirrada Xawaal Barbaare

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA BEERAHA UFUROW

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*