Wararka Gudaha

Ciidamo Kenyaati ah Oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Mandheera.

Qarax miino oo dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Kenya, oo kamid ah dowladaha duulaanka ku jooga dalkeena Soomaaliya.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yaado oo hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka NFD, waxaana lagu burburiyay gaari ciidan iyo ciidankii saarnaa.

Ugu yaraan 12 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan oo ay mas’uuliyadiisu sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Howlgallada ka dhacay gobollada NFD iyo xeebaha ee ay degaan dadka muslimiinta, xoogana ku heysato dowladda  Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay sii kordhayay, waxaana halkaas ka howlgalaya guutooyin ciidan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*