Wararka Gudaha

Madaxweynaha Tuunis oo Shaaciyay Inuu Dhaxalka U Simayo Ragga Iyo Dumarka.

Dowladda cilmaaniga ah ee ka dhisan dalka Tuunis ayaa marba marka ka dambeysa qaadeyso tallaabooyin iyo go’aanno ay kaga fogeyneyso muslimiinta dalkaas diinta islaamka.

Madaxweynaha  cilmaaniga ee wadanka Tuunis ninka lagu magacaabo Qaa’id As-sibsi ayaa shaaca ka qaaday inuu dhaqan gelin doono xeerka sinnaanta dhaxalka ee Raga iyo dumarka.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay waxa loogu yeero maalinta ciida ee dumarka ayuu sheegay iney muhiim tahay in la dhaqan geliyo xeerkan oo uu ku sheegay inuu yahay mid wanaagsan oo cadalaad ah.

“Waan jaan goynay arinta sinnaanta dhaxalka, waxaana waajib ah in sinnaanta dhaxalka ee Raga iyo dumarka uu noqdo qaanuun ka hirgala wadanka Tuunis” ayuu yiri Qaa’id As-sibsi.

Xeerkan ka hor imaanaya diinta islaamka ayaa la filayaa in dhawaan la hor geeyo Baarlamaanka dalka Tuunis, si ay qalinka ugu duugaan.

Shalay waxaa dalka Tuunis ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo go’aanka dowladda, kaas oo ay dhigeen boqollaal ruux oo muslimiin ah, waxayna sheegeen in xeerkan uu ka hor imaanayo diinta islaamka.

Tan iyo markii xukuumaddan cilmaaniga ah ee uu hogaamiyo Sibsi la wareegtay talada dalka Tuunis waxaa la meel mariyay xeerar badan oo si cad uga hor imaanaya diinta islaamka, waxaana kamid ah in gabadha muslimadda ah ay guursan karto nin gaal ah.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*