Wararka Gudaha

Xaalad Adag oo Ka Jirta Xabsiga Hargeysa Kadib Markii Ay Maxaabiistu Cunnada Ka Soomeen.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa, ee wuqooyi galbeed ayaa waxay sheegayaan in xaalad adag ay ka jirto Jeelka weyn ee magaalada.

Maxaabiista ayaa ku dhaqaaqay iney cunnada ka soomaan kadib markii ay kusii laba jibaarantay cadaalad darrada, iyagoo aaminay in ay dhimasho u dhaanto silaca iyo adoonsiga ay ku nool yihiin, sida uu inoo sheegay mid kamid ah ehelada dadkan.

Maalintii 12-aad ayay maxaabiista intooda badani ka sooman yihiin cunnada, waxaana lasoo warinayaa in qaarkood ay dhulka dheceen nafaqo darro awgeed.

Dadkan ayaa waxaa u badan culimo iyo ducaad laga garanayo gobolka kuwaasoo lagu heysto arrimo la xiriira faafinta diinta islaamka, waxaana Xabsiyada Somaliland, ku xiran dad gaaraya 3000, oo ruux.

Dhowr bilood ka hor, wasiirka cadaaladda ee “Somaliland” ayaa sheegay in xaaladda xabsigu tahay mid aad u liidata. Hey’adaha sheegta xuquuqda aadanaha, ayaa horey uga marqaati kacay dhibaatooyinka maxaabiista ku heysta Somaliland.

Halkan Ka Degso Codka Wasiirka Cadaaladda.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*