Wararka Gudaha

Maleeshiyaadka Liyuu Booliska Oo Shacab Oromo Ah Ku Xasuuqay Itoobiya.

Tobanaan qof ayaa ku dhintay weeraro hor leh oo markale ka dhacay wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Soomaalida Liyuu Booliska ayaa xasuuq aan kala sooc laheyn kula kaceen  dad kasoo jeeda qowmiyadda Oromada.

Goob Joogayaal ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in maleeshiyaadku ay weerar ka geysteen degmada Hararghe ee dhacda bariga Gobolka Oromia oo kamid ah gobollada ugu waaweyn Itoobiya.

Maleeshiyaadkan oo sida melleteriga utababaran ayaa gubay guryo dad shacab ah leeyihiin waxayna rasaas madaxa uga rusheeyeen dad isugu jiray rag iyo dumar sida ay sheegeen dad ka badbaaday xasuuqii ka dhacay Hararghe.

 Weerarkan ayaa ka dhacay deegaannada ku dhow xadbeenaadka ay wadaagaan gobollada Oromia iyo Somaligalbeed, siyaasiyiin iyo saraakiil u hadlay qowmiyadda Oromada ayaa weerarkan ku sifeeyay aargoosi ka yimid haraadiga maamulkii Cabdi ileey.

Isbuucii lasoo dhaafay tobaneeyo qof Soomaali ah ayaa ku baxay gacanta ciidamada melleteriga itoobiya iyo maleeshiyo daacad u ah maamul goboleedka gobolka Oromia.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*