Wararka Gudaha

Gaari Gaashaaman oo Amisom Looga Gubay Sh/hoose.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeye ee Amisom, ayaa waxay maanta la kulmeen weerar qarax ah oo u geystay khasaare isugu jira naf iyo hanti intaba.

Kolonyadan oo kasoo tagay magaalada Buulomareer, ayaa waxaa lagu helay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn, waxaana laga gubay mid kamid ah gaadiidkooda gaashaaman.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, qarax aad u culus ayaa waxa uu haleelay gaari noociisu yahay Taw, kaasoo gabi ahaanba burburay, waxaana dhimasho iyo dhaawac halis ah noqday askartii saarnayd.

Kolonyadan ayaa Buulomareer geysay Sahay, waxaana la beegsaday markii ay kasoo laabteen. Ciidamada shisheeye ayaa waxay culeys weyn ku qabaan sidii ay sahayda isugu gudbin lahaayeen, maadaama ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay yihiin kuwa meel walba ku beegsanaya shisheeyaha.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*