Wararka Gudaha

Ciidamada Taliban Oo Cagta Mariyay Saldhig Melleteri iyo Magaalo istiraatiiji ah Oo Afghanistan Katirsan.

Isbedello dhanka melleteriga ah oo aad uballaaran ayaa lagasoo sheegayaa qeybo badan oo katirsan gobollada wadanka Afghanistan oo sanaddii 17-aad oo xiriir ah ay dagaallo ka socdaan.

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Xarakada Talibaan ay la wareegeen gacan ku heynta saldhig melleteri iyo magaalo istiraatiiji ah.

Afhayeenka wasaaradda difaaca xukuumadda dabadhilifka Kabul ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadooda laga qabsaday saldhigga melleteri ee “Nidaam Kimb” oo kuyaal banaanka magaalada Goremache.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada mujaahidiintu ay qabsadeen saldhigga ayna isdhiibeen 86 askari oo saraakiil sarsare kamid yihiin.

 Ciidamada Taliban waxay gacanta ku dhigeen 12 gaari nuuca gaashaaman ah oo dowladda Mareykanka farsameyso iyo saanado melleteri oo aad u farabadan waxaana kamid ah madfaca casriga ah ee loo yaqaan SPG9.

Dhinaca kale dagaallo culus ayaa wali ka socda magaalada Ghazni ee istiraatiijiga ah, goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahannada Taliban ay hareereeyeen xarumaha dowladda ayna qarka usaaranyihiin in ay qabsadaan magaalada.

Wasaaradda G/dhigga Mareykanka waxay sheegaysaa in 24 duqeymo cirka ah ay ku beegsatay Taliban si ay ugu diidaan in ay qabsadaan magaalada balse wali waxay sii wadaan weerarada ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada.

Qoraal kasoo baxay Taliban ayay ku sheegtay in ay ka go’antahay xureynta magaaladan oo suurtagal ka dhigi doonto in magaalooyin badan lagusoo rogo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Xigasho: Somalimemo.net

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*