Wararka Gudaha

IGAD oo Nayroobi Ku Wada Hadalsiineysa Xaaf iyo Shaakir.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nayroobi ee caasimadda wadanka Kenya ayaa sheegaya in urur goboleedka IGAD uu magaaladaasi ku wada hadal siinayo Axmad Ducaale Xaaf oo ah hogaamiyaha Galmudug iyo Axmad Shaakir oo ah hogaamiyaha ururka Suufiyada ee Guriceel.

Labada dhimac ee la kulansiinayo ayaa markii loo yeeray kadib waxay ka duuleen magaalada Muqdisho iyagoo gaaray Nayroobi, waxaana la filayaa in shirkooda uu ku dhamaado sidii ay qorsheeyeen IGAD.

Dadka qaar ayaa isweydiinaya waxa keenay in laba hogaamiye oo qaraabo ah sidoo kalana hal gobol wada deggan in ay wada hadashiiyaan saraakiil ay Itoobiyaan kamid yihiin iyagoo waliba kharash badan ku bixiyay dayuuradaha ay raaceen?

Midda kale, haddiiba ay dhacayso in labadooda la wada hadashiiyo, sow ma ahayn in ay dowrkaas qaadato DF? Haddaba waxaa muuqanaya in xaaladu ay mareyso (Dal ba’ayow, yaa ku leh)

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*