Maxaa Cusub

Daawo: Xildhibaan Odawaa “Dhiibista Qalbi Dhagax Waxay Lamid Tahay Qaranka oo La Dhiibay”

C/raxmaan Odawaa oo kamid ah Xildhibaano badan oo kulanka Baarlamaanka ka jeediyay khudbado kulul ayaa sheegay in tallaabadii ay DF ku dhiibtay Qaldhi dhagax ay ka dhigan tahay iyadoo la dhiiban madax bannaanidii dalka.

Waxa uu sheegay in madaxda DF aanan lagu aamini karin mas’uuliyad marba haddey muwaadin Soomaaliyeed inta soo qabteen u gacan galiyeen Itoobiya.

Xildhibaanada ayuu ugu baaqay in loo sacyiyo sidii maxkamad loo soo taagi lahaa madaxda DF, isagoo shaqsi ahaan sheegay inuu aad uga xun yahay falkaas naxdinta leh ee uu wali ku maqan yahay Qalbi dhagax.

Dhawaan qoyskii iyo caruurtii qalbi dhagax ayaa isaga guuray gurigii ay ka deganaayeen magaalada Muqdisho iyagoo ka baqanaya in madaxda DF ay u dhiibaan maamulka Adis-ababa!

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*