Maxaa Cusub

Askar Ka Tirsan Ciidamada Gaarka Ee DF oo Lagu Dilay Wardhiigley.

Weerar habeenkii xalay ka dhacay xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley ayaa waxaa habeenkii xalay lagu dilay sadax askari oo ka tirsanaa ciidanka (Xasilinta) halka sadax kale lagu dhaawacay.

Ilo ka ag-dhawaa goobta ayaa laga soo xigtay weerarku uu u dhacay si xirfadeysan oo gaadmo ah taasoo keentay in khasaarahaas la gaarsiiyo askarta DF, islamarkaana ay si nabad galyo ku jirto halkii uga tagaan raggii weerarka geystay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana uu kusoo aadayaa iyadoo isla xalay weerar Bambaano lagu qaado ciidamada dowladda ee fariisinka ka sameystay warshaddii hore ee Barfuunka oo ku taalla isgoyska SOS.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*