Wararka Gudaha

Degdeg: Askar Mareykan Ah oo Khasaare Kala Kulmay Weerar Fashilmay oo Ay Ku Qaadeen Mubaarak.

Wararka naga soo gaaraya degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in askar Mareykan ah oo duullaan soo qaaday xilli habeen ah ay la kulmeen weerar qorsheysan.

Diyaarado helicopter ayaa ciidamadan ku soo dajisay afaafka hore ee deegaanka, ka dibna waxaa iyagoo lugeynaya soo aadeen dhanka magaalada si ay halkaas howlgal kaga fuliyaan balse inta aysan soo gaarin halkii ay ku soo socdeen ayey la kulmeen weerar kamiin ah oo ay diyaariyeen Mujaahidiinta.

Dagaalyahanada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo u muuqday in ay ka warhayeen duullaanka ayaa dhabagal qorsheysan u diyaariyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida taas oo keentay in lagala hormaro weerarka kadiska ah.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo xoogan oo uu ku bilowday weerarka iyo israsaaseyn in muddo ah socotay oo halkaas ku dhexmartay labada dhinac, taas oo keentay in ay ciidamadii duullaanka ahaa si habqan ah goobta uga cararaan.

Goobjoogeyaal saaka booqday goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegay in ay arkeen meydka laba askari oo ay ka carareen ciidamadii soo weeraray deegaanka, kuwaas oo ku labisnaa qalabka iyo dareeska ciidan ee lagu yaqaano ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah.

Hal goobjooge ayaa noo sheegay inuu arkay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo goobta ka qaadaya meydadka askartii lagu dilay weerarka iyo qalabkii ay ka carareen, waxaana uu sheegay in mid ka mid ah askarta uu jirkiisa aad u burbursanaa.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in ay weerarkii xaley ay ku dileen qaar ka mid ah askartii soo weerartay deegaanka balse wey ka gaabsadeen in ay noo sheegaan jinsiyadooda.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale noo sheegay in wadada ay ku insixaabeen ciidamada lagu arkay dhiig, faashado, iyo jaranjarooyin iyo qalabyada ay xirtaan ciidamada gaarka ah.
Lama oga ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa iyo maleeshiyaatka Soomaalida ee garabka siiya balse waxaan isku dayi doonaan inaan idiin soo gudbino faafaahinada weerarkaas oo dhameystiran.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*