Wararka Gudaha

Farmaajo oo U Dhoofay Adis-ababa Xilli Ay Culeysyo Badan Heystaan.

Madaxweynaha DF Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa u dhoofay magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo uu sannadkiiba dhowr jeer booqdo.

Isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo wadooyinka loo xiray illaa uu ka safrayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Farmaajo uu ka qeyb gali doono shirka “IGAD” oo halkaasi ka dhacaya. Igad ayaa ah urur ah ku shaqeysato Itoobiya.

Socdaalkan Farmaajo ayaa waxa uu kusoo aaday iyadoo ay culeysyo badan ku furfuran yihiin, haddey ahaan lahaayeen kuwa uga imanaya maamul goboleedyada iyo kuwa la xiriira ammaanka.

Waxaana dadka siyaasiyiinta ay sheegayaan in madaxda caalamka lagu yaqaano in ay safarrada baajiyaan haddii ay culeysyadaan oo kale lasoo darsaan, laakin Farmaajo uu u muuqdo nin ay arrimahaas oo dhan uga muhiimsan yihiin ajiibitaanka dhawaqa uga soo yeeray dhanka Adis-ababa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*