Wararka Gudaha

Degdeg: Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Labo Saldhig oo Ay DF Ku Yaalla Muqdisho.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab, ayaa habeenkii xalay weeraray labo fariisin oo ay askarta “DF” ku lahaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo ay wararku xaqiijinayaan iney u suura gashay in ay saldhig-yadaasi la wareegaan.

Laba saldhig ee la weeraray ayaa waxay ku yaallaan degaanka Suuqa xoolaha gaar ahaa Cali Ganey iyo Biyo Degga.Ilo wareedyo ayaa Amiirnuur.com u xaqiijiyay in cagta la mariyay saldhigyadan.

Askar ka tirsan “DF” ayaa ku dhintay weerarkan, iyadoo ay dagaalyahannada Al-Shabaab u suura gashay iney la wareegaan hub iyo agabyo kale oo Milatari.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay “DF” kuna aadan dhacdadan. Weerarada cag marinta saldhigyada ayaa waxay caan ku ahaayeen inta badan fariisimayaasha shisheeyaha iyo kuwa “DF” ee ku yaalla meelaha ka baxsan caasimadda balse waxaa haatan muuqanaya in ubucdii hoose ee dowladda ay soo gaareen hawl gallada noocan ah.

Illaa iyo hadda lama helin tirada rasmiga ah ee askarta “DF” looga dilay weerarka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*