Wararka Gudaha

5 Qof oo Mareykan Ah oo Lagu Dilay Gobolka California.

Wararka ka imanaya dalkaasi Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in weerar saacadihii lasoo dhaafay dhacay lagu dilay 5 muwaadin oo u dhashay dalkaas.

Weerarka oo ka dhacay gobolka Kalifroniya ayaa waxaa fuliyay shaqsi rag ah sida ay Bolisku xaqiijiyeen, kaasoo rasaas ooda uga qaaday dad war moog ah oo hawlahooda iska dhex mushaaxaya.

Ugu yaraan waxa uu ninkan dilay 5 Ameerikaan ah, wuxuuna dhaawacay tiro intaa ka badan, kadibna waxaa la sheegayaa inuu isaga qudhiisa is dilay.

Laamaha ammaanka ee gobolkaas ayaa sheegaya iney baaritaan ku sameynayaan dhacdada. Weerarada noocan ah ayaa sannadihii u dambeeyay kusoo badanayay wadamada Yurub iyo Ameerika.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*