Wararka Gudaha

Musharrxiin Uu Ku Jiro Muqtaar Roobow oo Muqdisho Kula Kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Musharraxiin u taagan xilka madaxtinimada maamulka Koofur galbeed ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka DF, Maxamad Mursal, kuwaasoo dhawaan safar dhanka hawada ah kaga yimid magaalada Baydhabo.

Musharraxiintan ayaa waxaa kamid ah Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo Al-Shabaab ka goostay, kaasoo mabda’ahaan gaalnimo ku xukumi jira DF iyo dadka la shaqeeya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Mukhtaar Roobow iyo musharraxiinta kale kala shiraya sida ugu haboon ee ay u dhici karto doorashada Koofur galbeed oo la sheegay iney goor dhow dhacayso.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*