Wararka Gudaha

Wax Ka Ogow Geerida Laba Sarkaal oo DF Ka Tirsan Iyo Gaari Amisom Looga Qarxiyay Sh/dhexe.

Dhacdooyin kala duwan oo sababay khasaare soo gaaray ciidamada shisheeye iyo DF ayaa ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Haddaan ku horeyno Sh/hoose. Askar ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa degaanka Ceelasha biyaha ku dilay sarkaal ka tirsan Milatariga DF, kaasoo ay ka qaateen gaarigiisii iyo Bastoolad uu watay.

Dilka ayaa waxa uu dhacay xilligii fiidkii, waxaana muddo kadib weerarkan goobta soo gaaray askar ka tirsan kuwa dowladda, oo qaatay meydka.

Sidoo kale waxay Al-Shabaab gobolka Sh/dhexe ku beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Burundi.

Mid kamid ah kolonyadan ayaa waxaa lala helay qarax culus kaasoo sababay burburka gaariga oo noociisu ahaa Taw. Goortaasi waxay marayeen inta u dhaxaysa degaanka Buurane iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar.

Intaa waxa dheer in sarkaal caan ka ahaa Jowhar, kana tirsnaaa Milatariga DF uu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Mahadaay.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Muqtaar Jareer iyo ilaaladiisii ayaa waxaa la rogmaday gaari ay wateen, Ilo wareedyo ayaana xaqiijiyay iney ay geeriyoodeen.

Askar kale oo aan ka tirsanayn ilaaladiisa balse kamid ah ururka ciidankiisa ayaa iyaguna dhaawac iyo dhimasho noqday. Gaariga rogmaday ayaa si daran loo kaxaynayay iyadoo laga baqayay miino.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*