Wararka Gudaha

Degdeg: Al-Shabaab oo Madaafiic Ku Duqeeyay Askarta Kenya Ee Heysta Buusaar, Gedo.

Wararka naga soo gaaraya wilaayada Gedo ayaa waxay sheegayaan in guutada madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ay duqeysan xero ay deggan yihiin ciidamada Kenya ee heysta degaanka Buusaar ee gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa shabakadda Amiirnuur u xaqiijiyay in madaafiicdu ahaayeen bar tilmaameed toos ah, kuwaasoo gabi ahaantood ku hoobtay xerada.

Wararku waxay intaa ku darayaan in uuro iyo qiiq laga dareemay xerada, walow aan illaa iyo hadda la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay.

Kenyaatiga ayaa godad waaweyn ka qotay xerada si ay uga gabbadaan rasaasta iyo weerarada tooska ah ee lagu soo qaado, laakin dadka aqoonta u leh arrimaha milatariga ayaa waxay sheegayaan in dhufaysyadaasi aaney ahayn kuwa looga gabbaadsan karayo duqeynta.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*