Wararka Gudaha

Ciidamo Ameerikaan Iyo Burundeys Ah oo Lagu Qarxiyay Shabeelaha Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in maanta qarax culus lala beegsaday ciidamo huwan ah oo ku sugnaa degaan dhaca duleedka magaalada Jowhar.

Qaraxan oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shisheeyaha ayaa waxa uu dhacay kadib markii ay isku soo uruureen Burundeyska iyo Mareykanka si ay u kala xog qaataan.

Dad ka ag dhaw degaanka uu qaruxu ka dhacay oo lagu magacaabo Xaanshooley ayaa sheegaya iney indhahooda ku arkeen meydad iyo dhaawacyo la daabulayo.

Mas’uuliyadda qaraxan ayaa waxaa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*