Wararka Gudaha

8 Ka Tirsan Ciidamada “DF” oo Lagu Dilay Weerar Maanta Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka ah ayaa ku dhintay in ka badanna waa ay dhaawacmeen kadib markii lagu weeraray meel u dhow degaanka Jasiira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax weyn la beegsaday gaari noociisu yahay Jeemis oo ay saarnaayeen askar ka tirsan Milatariga DF.

Gaarigan ayaa waxaa haleelay qaraxa taasoo keentay inuu kala faniino, waxaana inta la xaqiijiyay askarta dowladda ka dhintay 8, iyadoo ay dhaawacmeen 14 kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, wuxuuna kusoo aadayaa iyadoo maanta duleedka magaalada Jowhar lagu qarxiyay ciidamo isugu jira Mareykan iyo Burundi.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*