Wararka Gudaha

Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Saldhig Ay Kenya Ku Leedahay Lamu Maxaabiisna Gacanta Ku Dhigtay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar ka fuliyay gobolka Lamu iyagoo beegsaday saldhig ay milatarigu ku lahaayeen mid kamid ah degaanada hoos taga gobolkaasi.

Wararka naga soo gaaraya Lamu ayaa waxay sheegayaan in Milatariga Al-Shabaab ay weerar ku ekeeyeen saldhiggii milatariga Kenya ay ku lahaayeen degaanka Takhsiili.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gabi ahaanba saldhigga ay cagta mariyeen ciidamada Al-Shabaab, askarta Kenyana noqdeen wax la dilo, qaar la qabto iyo kuwa carara.

Inta la hubo waxaa milatariga Kenya weerarkan looga dilay 10, iyadoo sidoo kale nolosha looga qabtay 3 dhaawac ah kuwaasoo ay kaxaysteen ciidamada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxaa dagaalkan looga dilay sadax askari, wuxuuna ahaa weerar kusoo aaday xilli wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi uu sheegay inuu diyaariyay ciidamo suga ammaanka gobolka Lamu iyo Gaarisa.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha adag lagu gaarsiiyay milatariga Kenya. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan dhacdadan.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka hawl gala gobolka Lamu ayaa had iyo goor fuliya hawl gallo ka dhan ah dowladda Kenya, waxaana ay u muuqdaan kuwa sii laba jibaraya weeraradooda marba marka ka dambeysa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*