Wararka Gudaha

Labo Kamid Ah Ergadii Soo Xushay Baarlamaanka K/Galbeed oo La Dilay Iyo Farmaajo oo Eryay 7 Taliye.

Wali waxaa soconaya weerarada ugaarsiga ah ee loo geysanayo ergooyinkii soo xulay Baarlamaanka federalka iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo dhacdadii ugu dambeysay laga soo sheegayo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay gudaha degmada Afgooye ku toogtay laba ergo oo rag iyo dumar kala ahaa, waxna kasoo xulay xildhibaanada K/galbeed ee fadhigoodu yahay Baydhabo.

Ergadan la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xassan Caalim iyo Aamino Mayow sida ay inoo sheegeen saraakiil kamid ah kuwa maamulka degmada Afgooye.

Dadka shacabka ah ayaa hadal hayay iney u maleynayaa in loo dilay labadan xubnood dowrkii ay ku lahaayeen dhismaha Baarlamaanka K/galbeed.

Arrintan ayaa kusoo aaday iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Muqdisho aad ugu laba jibaarmeen weerarada, waxaana arrintaas ka dhashay in saacado ka hor uu madaxweyne Farmaajo xilalkii ka xayuubiyay 7 kamid ah taliyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo u muuqda iney noqdeen (Wankii la isku furtay)

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*