Wararka Gudaha

Sawirro: 875 Shil oo Muqdisho Ka Dhacay Sagaalkii Bilood Ee Lasoo Dhaafay. Sabab?

Taliyaha ciidanka Taraafikada ee DF General Axmed Xasan Maalin  ayaa sheegay in sagaalkii bilood ee lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dheceen 875 shil oo gaadiid ah.

Wuxuu sheegay in 602 kamid ah ay yihiin mootooyinka sadaxda lugood leh ee Bajaajta loo yaqaano, isagoo sababta shilalkan ku sheegay darawalada oo uu ku tilmaamay kuwa aan aqoon lahayn.

Dadka Muqdisho ayaa aaminsan in shilalka ugu badan ay sabab u yihiin ciidamada Amisom kuwaasoo laga kala cararo markii ay wadooyinka marayaan, ciddii ay kusoo gaaraanna jiirsiiya baabuurtooda.

Intaa waxa dheer ciidamada dowladda oo xabado ku furta wadooyinka, taasoo ay sii dheer yihiin ciidamada Taraafikada oo gaadiidka ku xanniba wadooyinka.

Ugu dambeyntii warbixintan ayaa waxaa lagu soo beegay xilli uu dhawaan gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow uu weerar afka ah ku qaaday mootooyinka Bajaajta oo ay ku shaqeyataan tobannaan kun oo dhallinyaro ah, ujeedaduna waxay tahay in dhallinyaradaasi laga dhigo kuwa Baagamuundo ah si loo askareeyo.

Dhanka kale waxaa jira qaar kamid ah shirkadaha gaadiidka sameeya ee wadamada Asia qaarkood oo kasoo cawday mooto Bajaajta maadaama ay meesha ka saartay gaadiidkii ay iyagu keeni jireen. Yariisow oo la sheegay inuu dhaqaale ka qaatay shirkadahaas ayaa doonaya inuu Xamar ka cirib tiro Bajaajta.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*