Wararka Gudaha

Waare: “Madax Goboleedyada Nairobi Jooga Naguma Matali Karaan Shirarka Ay Galayaan. (Dhageyso)

Maxamad Cabdi Waare oo ah hogaamiyaha maamulka Hirshabelle ayaa markii ugu horreysay bannaanka soo dhigay khilaafka kala dhaxeeya dallada ay horey ugu midoobeen maamul goboleedyada ku kacsan DF.

Wuxuu sheegay iney jiraan wax yaabo ay isku fahmi waayeen isaga iyo madaxda kale sidaa darteedna aysan habooneyn in iyagoo wata magacii dallada ay shirar galaan.

Waare wuxuu cod dheer ku sheegay in Cabdiwali Gaas, Shariif Xassan iyo Axmad Madoobe oo joogay Nayroobi aysan isaga matalin marnaba. Xog soo baxday goor sii horeysay ayaa sheegeysa in sadaxdaasi hogaamiye ay doonayaan iney beesha caalamka u gudbiyaan dacwad ka dhan ah madaxda DF.

Maxamad Cabdi Waare, ma lahan il dhaqaale sida Gaas iyo Axmad Madoobe oo kale oo wax ka hela Dekedaha Kismaayo iyo Boosaaso. Waxaa isaga naas nuujisa DF, waana midda keentay inuu qaraarkiisa lahaan waayo islamarkaana uu ballantii uga boxo madax goboleedyada kale kadib markii lacag 2 Milyan ah uu ka helay DF.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*