Wararka Gudaha

Labo Gaari oo Askarta Itoobiya Iyo Kuwa Jabuuti Looga Gubay Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in weeraro khasaare culus gesyatay ay maanta mar kale la kulmeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti.

Askarta Itoobiya oo kasoo baxay Buuloburde iyo kuwa Jabuuti oo kasoo baxay Jalalaqsi ayaa doonayya iney meel dhexe ku kulmaan waxaana labada dhinacba qabsaday weeraro.

Ciidamada Jabuuti ee kasoo baxay Jalalaqsi waxaa lala beegsaday qarax kaasoo looga gubay gaari nooca Miina baarka ah. Dhanka Xabashidana waxaa loo geystay laba weerar oo kala ahaa qarax iyo dagaal toos ah. Mid kamid ah weeraradan waxaa Xabashida looga gubay gaari halka weerarka kale lala beegsaday ciidan lugeynayay.

Illaa iyo hadda waxaa lasoo sheegayaa ineysan is gaarin labada ciidan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*