Wararka Gudaha

Faahfaahin: Dagaalo Ka Dhacay Sh/hoose Iyo Sh/dhexe.

Dagaalo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa habeenkii xlaay ka dhacay gobolada Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe kuwaasoo dhammaantoodba yimid markii ay ciidamada Xarakada Al-Shabaab weeraro qaadeen.

Shabeelaha dhexe.

Ciidamo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday fariisin ay askarta Hirshabelle ku leeyihiin Buundada Mahadaay halkaasoo lagu dhaawacay labo askari oo kamid ah kuwii la weeraray.

Askarta Hirshabelle ayaa ugu dambeyn ka cararay goobta waxaana laga gubay saldhiggoodii iyadoo ay Al-Shabaab soo daabusheen hub iyo agab wixii meesha yiilay.

Shabeelaha hoose.

Sidoo kale askarta Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku ekeeyay askarta Amisom ee heysta Golweyn iyo Shalaambood oo labaduba ka wada tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Labada fariisin ayaa waxaa in muddo ah ku socday dagaal iyadoo shisheeyuhu ay rasaas aan loo meel dayin ridayeen mana jirto faahfaahin dheeri ah oo aan ka helnay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*