Wararka Gudaha

Daawo Vedio: Mukhtaar Roobow oo Baarlamaanka K/Galbeed Ku Canaantay Iney Dastuurka Ilaaliyaan.

Mukhtaar Roobow oo kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada oo maamulka Koofur galbeed ayaa khudbad kooban ka hor jeediyay xildhibaanada isagoo laga dheehanayay inuu xildhibaanada ku canaananayo shaqadoodii.

Roobow ayaa xildhibaanada ugu baaqay iney ilaaliyaan Dastuurka islamarkaana ay dadajiyaan sameynta gudiga doorashada ee Koofur galbeed.

Wuxuu kula taliyay iney soo dhisaan gudi cadaalad ah oo haweenkana kaalin fiican laga siiyo sida uu hadalka u dhigay, waxaana mudadii uu khudbeynayay xildhibaanada laga dheehanayay iney qoslayeen.

Roobow ayaa waxay xildhibaanada ku ogaayeen isagoo oran jiray (Xildhibaanada waa Gaalo sababtoo ah waxay dajiyeen sharci aan kan Alle ahayn)

Mukhtaar Roobow ayaa waxaa dhawaan lagu soo oogay amar ah inuusan is sharrixi karin laakin waxaa haatan muuqanaya in isaga iyo DF ay isku fahmeen wax yaabo aan la shaacin.

Wasiirkii gaashaandhigga ee DF Cabdirashiid ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in sababta ay DF Roobow ugu diiday is sharrixidda ay ahayd in aysan iyadu wadan balse ay qolo kale wadato, waxaana dhanka kale la qiyaasi karaa in shisheeyihii watay Roobow iyo kuwii bah dilayay ee DF usoo maray ay iyaguna wax isla fahmeen, inkastoo aan la ogeyn cidda doorashada kusoo bixi doonta.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*