Uncategorized

Sawirro: Duufaan Xooggan oo Ku Dhufatay Mareykanka.

Duufaan khasaare xooggan geysatay ayaa lagu soo waramayaa iney ku dhufatay gobolka Florida Koofurtiisa bari ee dalka Maraykanka taasoo laga cabsi qabo iney sii amrto gobolo kale oo katirsan dalkaas, sida laga soo xigtay hey’adaha xukuumadda Trump.

Mareykanka ayaa sannad walba diyaariya magacyo uu ugu tala galay inuu u bixiyo musiibooyinka ku dhacaya, waxaana uu duufaantan ugu magac daray Michael.

Duufaantan ayaa saacaddiiba jaraysa 200km iyadoo joogeedu gaarayo saddex mitir, waxayna khasaaro lixaadle ka geesatay qeybo badan oo kamid ah gobolka Florida.

Inta la hubo duufaantan waxaa ku dhintay tobaneeyo ruux kuwaasoo qaarkood ay geedo iyo dhismyooyin kusoo dumeen. Intaa waxa dheer in duufaantu burburisay guryo iyo goobo badan oo ganacsi.

Saameynta ay nolosha ku yeelatay ayaan sidoo kale lasoo koobi karin, waxaana koronto la’aan noqday dad ka badan hal Milyan oo ruux.

Dhammaan waxaa istaagay shaqooyinkii, isbitaaladii iyo wax walba oo ku shaqeynayay korontada, halka dad badan ay soo wajaheen dhaawacyo iyo xanuuno kale oo ay ka dhaxleen duufaanta sida lasoo warinayo.

Dadkan ku dhaqan gobolada Mareykanka qaarkood ayaa billaabay iney ka hayaamaan guryahooda sababo la xiriira duufaanta oo ay u maleynayaan iney kusoo wajahan tahay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in duufaanta ku dhufatay gobolka Falorida ay ku wajahan tahay Georgia iyagoona baahiyay digniino loo diray bulshada gobolkaas.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*