Wararka Gudaha

Wafdiga Itoobiya & Erataria Awgood oo Maanta Loo Wax Yeeleeyay Xildhibaano. (Dhageyso)

Markii ay xildhibaanadu ka aamuseen dhibaatadii lagu hayay dad weynaha, markii ay indhahooda ku daawanayeen 10 ki dambe ee Ramadaankii lasoo dhaafay oo imaanshaha Ra’iisulwasaaraha Itoobiya dartii loo xiray, markey gaadiidkooda ku ag marayeen haween wadooyinka ku umulaya oo jidadkii laga celiyay ayay maanta iyagii ku timid dhibaatada.

Imaanshaha wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha Itoobiya iyo Eratariya ayaa marka laga yimaado dad weynaha waxay saameyn ku yeelatay xildhibaanada oo ay ciidamada shisheeye iyo kuwa ay tababarteen ee Soomaalida ahi ku bah dileen wadooyinka.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa qoriga liifkiisa lagu qabtay walibana aflagaado loogu daray waxaana kamid ah Xildhibaan Faliijeo, XIldhibaan Fiqi iyo Xildhibaan Mahad Salaad.

Fiqi oo shir jaraa’id qabtay ayaa af labadi yeeray isagoo xilligan ku beer laxawsanaya shacabka iyo dhibaatada lagu hayo, waxaana uu eedeyn u jeediyay madaxda DF.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*