Uncategorized, Wararka Gudaha

Dhageyso Xaaf oo Ku Faanay Iney 100 Isbaaro U Taallo Ciidankiisana Uu Ka Biilayo.

Axmad Ducaale Geelle Xaaf oo ah Madaxweynaha maamulka Galmudug qeybta Dhuusomarreeb iyo Gaalkacyo ayaa ciidamadiisa ka hor jeediyay hadal ay iyaga qudhooda la yaabeen.

Isagoo ka hadlayay duruufaha ay askartu ku nool yihiin ayaa wuxuu u sheegay iney u diyaar garoobaan xereynta dhul uu sheegay iney heystaan “wuxuu ugu yeeray Cadaw”

Wuxuu askarta u sheegay inuu ku dadaali doono sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda, xerada ay deggan yihiinna uu uga dhigi lahaa mid uu qofka bani’aadamka ah ku noolaan karayo.

Hadalkii ugu yaabka badnaa ayaa wuxuu ahaa in isagoo labisan dharka Milatariga uu u sheegay iney maamulkiisa u yaallaan 100 isbaaro sidaa darteedna ay muhim tahay iney helaan wuxuu ugu yeeray Xaqooda.

Soomaaliya wali kama dhammaan in lagu faano isbaarooyinka, iyadoo aan og nahay isbaarooyinka u yaalla Galmudug iney saameyn adag ku yeesheen gaadiidka isaga kala goosha gobolada Koofureed iyo kuwa Wuqooyi.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*