Wararka Gudaha

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho Lagu Dilay.

Israsaareyn goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay kadib markii uu iska hor imaad dhex maray ilaalada Xildhibaan Maxamad Abuukaate iyo ilaalada xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabo Maxamad Cabdi Guuleed.

Isgoyska Sayidka ee degmada Hawlwadaag ayaa muddo daqiiqado ah lagu kala cararay, waxaana la qaaday meydka xildhibaanka la dilay sida ay inoo sheegeen dad goobta ka ag dhawaa.

Dhacdadan ayaa muujineysa nidaam darrida dhanka ammaanka ee dowladda, waxaana macquul ah iney sababto xurgud iyo colaad hor leh oo dhex marta dadka kala taabacsan labada xildhibaan.

May 3, 2017, ciidamo ilaalo u ahaa Hanti dhawrihii dowladda ayaa si bareer ah madaxtooyada illinkeeda ugu dilay wasiirkii Hawlaha guud Cabbaas Siraaji, mana jirto wax tallaabo ah oo ay dowladdu ka qaatay askarigii wasiirka dilay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*