Wararka Gudaha

Dagaal Saaka Ka Dhacay Degmada Baraawe.

Dagaal ayaa saaka aroortii hore ka dhacay fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin magaalada geeskeeda xiga wada Ambareeso, waxaana si aad ah loo maqlayay dhawaqa hubka la isku adeegsanayay.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa ku jarmaaday saldhigga askarta dowladda, illaa iyo haddana xog lagama hayo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo la tilmaamay inuu muddo kooban socday.

Gobolka Sh/hoose ayaa kamid noqday gobolada uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro ciidamada shisheeye. Maalintii shalay ayay ahayd markii ciidamada Amisom gaari gaashaaman looga gubay duleedka magaalada Buulo-mareer ee isla gobolkan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*