Wararka Gudaha

Daawo Sawirrada Dadki Ay Amisom Maanta Ku Gumaadeen Degmada Heliwaa.

Ciidamada shisheeye ee Amisim ayaa saaka aroortii hore degmada Heliwaa ku gumaaday dad shacab ah oo aanan waxba galabsan kuwaasoo u badnaa gaadiidley.

Ugu yaraan 4 qof oo rag ah ayay ku toogteen nawaaxiga Ex. Control Balcad waxaana arrintan si aad ah uga xanuunsaday dadka degaanka oo aad u garanayay raggan la laayay.

Meydadka afarta qof ayaa waxaa la geeyay isbitalka Madiina halkaasoo ay eheladooda sawirro uga soo qaadeen. Bulshada ku dhaqan degmada Heliwaa ayaa ka kacdoomay gumaadkan ay geysteen ciidamada shisheeye.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada shisheeye gumaad noocan ah kula kacaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dowladda Federalka ah oo looga bartay iney ka tacsiyeyso dhacdooyinka ka dhaca Mareykanka ayaan illaa iyo hadda ka hadal xasuuqii wuxuushnimada ahaa ee ay ciidamada Amisom ka geysteen gobolka Banaadir.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*