Wararka Gudaha

Ciidamada Kenya oo Kismaayo Gaari Gaashaaman Ku Jiirsiiyay Askari Soomaali Ah.

Ciidamada Kenya oo kamid ah shisheeyaha heystay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa si xun gaari Beebe ah u jiirsiiyay askari ka tirsan ciidanka Jubbaland.

Askarigan oo wadada taagnaa si uu iyaga ugu sii sugo ammaanka ayay taayarka Beebaha marsiiyeen walibana ku jiideen sida laga dheehan karayo sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday.

Tan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay gumeysiga ay shisheeyuhu ku hayaan dalka Soomaaliya oo gaaray in ay gaadiidkooda si ula kac ah u jiirsiiyaan nimnakii kaba qaadka u ahaa ee ay dowladnimada ku sheegayeen.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*