Wararka Gudaha

Vedio+Sawirro: Aqoonyahan Soo Bandhigay Dukuminti Lagu Go’aamiyay Ineysan Soomaaliya Dowlad Dambe Ka Dhalan.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo rug caddaa ah laguna magacaabo Mucallim Cumar Jaamac ayaa soo bandhigay dukuminti caddeyn u ah in reer galbeedku ku heshiiyeen inaaney Soomaaliya dib dambe dowlad xoog leh uga dhalan, iyadoo sirta meesha ku jirta ay tahay in Itoobiya iyo Kenya loo gacan qabto islamarkaana la boobo kheyraadka.

Dukumintigan oo uu maal galiyay ururka midowga Yurub, loona xil saaray London School Of Economic And Political Science ayaa lasoo saaray sannadkii 1995, waana markii ugu horeysay oo haatan meel madal ah lagu soo bandhigo.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in badi wixii ku qornaa dukumintigan laga dhaqan galiyay Soomaaliya sida:- in wadanka la kala qeybiyo oo maamullo maqaar saar ah loo sameeyo iyo arrimo kale.

Wuxuu ka dhawaajiyay in xaaladda Soomaaliya ay gaartay in dadka qaar oo ay wadaado ku jiraan ay ku hadaaqaan hadallo gumeysi kalkaalnimo ah, wuxuuna tusaale usoo qaatay warkii uu ol’olaha doorashada Kismaayo ku galayay Sh/Shakuul ee ahaa in wadamada dariska ay talada dalka wax ku leeyhiin in laga qeyb galiyana mudan yihiin. Si lamid ah wuxuu tusaale usoo qaatay warkii Faarax Macallim ee caanka noqday islamarkaana ahaa “Ma dhici doonto in mar dambe Kulbiyow looga soo taliyo Xamar” iyo tusaalooyin kale.

Sidoo kale Mucallim Cumar ayaa ka hadlay dhibaatooyinka durbaba laga dhaxlay maamul goboleedyada dalka laga dhisay iyo hagar daamooyinka ay shisheeyuhu haatan ku hawlan yihiin, kuwaasoo haddii aanan la fashilin ay dhici karto iney u rumowdo riyadoodii ahayd in qariidada adduunka laga waayo qaran mideysan oo madax bannaan oo Soomaaliya la yiraahdo.

HOOS KA DAAWO VEDIO-GA

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*