Wararka Gudaha

DEGDEG: Gaari Ay Saarnaayeen Askarta DF oo Qarax Lagula Helay Ceelasha Biyaha.

Qarax xooggan ayaa duhurnimadii maanta deganaaka Ceelasha Biyaha lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa DF, kaasoo sababay khasaarooyin kala duwan.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayuu gabi ahaanba qaruxu burburiyay, waxaana dhimasho iyo dhaawac aad u liita ku noqday askartii saarnayd.

Ciidamo kale oo gurmad ah oo wata gaari Cabdi Bile ah ayaa wax yar kadib dhacdada goobta soo gaaray, waxaana markii ay askartu ka degteen gaariga lala beegsaday qarax.

Tiro kale oo askar ah ayaa ku dhimatay qarixii labaad. Dad weynaha ayaa aad uga fogaaday halka ay wax ka dheceen si aysan ciidamada dowladda aar goosi ugala kulmin.

Ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ayaa had iyo goor lagu beegsadaa Muqdisho iyo wadooyinka ka baxa, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada DF ayaa ku ollog ah askarta shisheeye, waxaana ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u aragtaa kuwa diinta ka baxay oo ay tahay in sida shisheeyaha loo laayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*