Wararka Gudaha

Degdeg: Taliyihii Saadka Ee Baankaraaf Iyo Sarkaal Kale oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Sh/Hoose.

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar dhabba gal ah oo ay ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab u dhigeen gaari ay saarnaayeen ciidanka Bankara ee uu Mareykanku sameystay.

Ciidamadan ayaa waxa uu weerarku ku qabsaday inta u dhaxaysa Wanlaweyn iyo Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose waxaana soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo ayaa shabakadda Amiirnuur.com u xaqiijiyay in weerarka lagu dilay labo sarkaal oo uu midi ahaa taliyihii Saadka. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 2 askari.

Taliyihii Saadka ee Baankaraaf ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa usbuucyadii lasoo dhaafay si aad ah u laba hiraartay weerarada ka dhanka ah ciidamada iyo saraakiisha Baankaraaf oo iyagu af-qaad u ah ciidamada Mareykanka ee kusoo duulay Soomaaliya.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*