Wararka Gudaha

DEGDEG: Xildhibaan Ka Tirsan H/Shabelle oo Muqdisho Lagu Dilay.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa abaaro 05:30 lagu dilay magaalada Muqdisho kadib markii qarax lagula beegsaday nawaaxiga xarunta Madaxtooyada.

Sida ay goob joogayaal ku waramayaan qaraxa ayaa saameeyay qebta shirka oo uu xildhibaanku gaariga ka saarnaa taasoo keentay inuu durbadiiba geeriyoodo wax yeellada soo gaartay oo xoogganayd aawgeed.

Xildhibaankan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Wali Maxamad Ibraahim, waxaana meydkiisa usoo gurmaday ciidamo ka tirsan kuwa DF kuwaasoo baqdin ka muujinayay in mar kale qarax lala beegsado gaariga.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DF-ka iyo Hirshabelle oo ku aadan dhacdadan. Balse waxaa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ah dhaqdhaqaaq islaamiga ah oo diidan shisheeyaha kusoo duulay wadanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*