Uncategorized, Wararka Gudaha

Sarkaal Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay Fiidkii magaalada Muqdisho ku khaarajiyay sarkaal ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyada.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xassan Nuur Xuseyn ayaa waxaa lagu dilay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Sey-biyaano, waxaana ay dad goob joogayaal ah ku warrameen in dhowr xabbadood oo lagu dhuftay uu u geeriyooday.

Sarkaalkan ayaa kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii Hotel Saxafi, halkaasoo uu inta badan waqtigiisa fasaxa ah ku qaadan jiray sida dad ku dhow ay sheegeen.

Dilkiisa kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo qaaday meydkiisa. Dhacadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo si aad ay maamulka gobolka Banaadir loogu eedeynayo inuu ku fashilmay ammaanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*