Wararka Gudaha

Amisom oo Lagu Weeraray Sh/hoose.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku ekeeyay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Amisom xilli ay marayeen inta u dhaxaysa Golweyn iyo Buulomareer oo ka tirsan Sh/hoose.

Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in weerarku uu ku bilowday hub culus kadibna uu dhacay iska hor imaad muddo socday kaasoo aan la ogeyn natiijadiisa dhabta ah.

Kolonyadan ayaa maalmo ka hor kasoo baxday degmada Baraawe, waxaa shalay iyo dorraad laga gubay laba gaari iyadoo maantana uu dagaalkii sadaxaad qabsaday xilli aaney wali gaarin magaalada Marko.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*